Akhriso:- Khasaaraha dhashay weerarkii ka dhacay magaalada Burtinle

46

Wararka naga soo gaaraya Maaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Maanta maleeshiyo Beeleed hubeysan ay weerareen Saldhigga Booliska Magaaladaas, kadibna ay dagaal xoogan la galeen Ciidamada Booliska eek u sugan Saldhigaas.

Wararka la helay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeysan ay diidan yihiin in Xabsiga Magalada Garoowe loo gudbiyo Dhalinyaro ku heyb ah oo Maxkamadda Magaalada burtinle xukun ku riday.

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsanaa Booliiska Puntland laguna magacaabi jiray Maxamed Badgal Ciise Galayr ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay iska hor imaad kooban oo ka dhacay Saldhiga degmada Buurtinle ee la weeraray.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka ayaan weli ka hadlin dhacdadaas, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.