Xog: Farmaajo oo bilo kadib shalay ka dhoofay Muqdisho

34

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka ka degay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu tegay dalka Turkiga, halkaasi oo uu joogi doono muddo aan la cayimin.

Waxaa safarka ku wehlisa marwadii koowaad ee hore Zeynab Macallin, waxaana lagu sheegay safar nasasho.

Xubnaha Farmaajo ku dhowa ayaa sheegay in weli aysan waxba iska beddelin qorshaha madaxweynihii hore ee ah inuu ku noolaado caasimadda, ee aanu noqon doonin dibadjoog, taasi oo uu ballanqaaday markii uu xilka ka degay.