Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dilay Taliyihiisa

45

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil ah ku riday Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo lagu helay dilka taliyihiisii iyo dhaawaca laba qof oo Shacab ah.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada u gudbisay eeda ah in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan uu dilay Taliyihii ururuka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed (Hurdaaye) si ku talo-gal ah 29-kii Septemper 2022.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan uu ka cabanayay xaquuq ka maqan, balse isaga uu ahaa nin qaban waayay mid kamid ah Shaqooyinkii loo diray oo ahaa in uu qeyb ka noqdo ciidamo katirsan xoogga dalka oo safar dhinaca dhulka ah ugu baxayay gobolada dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan uu ku cadaaday dambiga lagu soo eedeeyay ee ah dilak taliyihiisa iyo dhaawaca Axmed Maxamuud Axmed iyo Cumar Axmed Sheekh Maxamed ,Isla markaana lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ooh ore sidaan oo kale xukuno dil toogasho ah ugu riday Askar katirsan Ciidamada qalabka sida iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.