Al-Shabaab oo 12 qof ku dishay weerar ka dhacay gobolka Gedo

30

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan illaa 12 qof oo shacab ahaa in ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Gariley oo ka tirsan gobolka Gedo.

Shirkad halkaasi ka qodeysay ceel biyood ayaa la sheegay in aysoo weerareen Al-Shabaab, kadina ay gubeen gaadiidkii halkaasi yaalay, ayna dileen illaa 12 qof oo shacab ahaa.

Al-Shabaabkii weeraraka fuliyey ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka bilaabay deegaanka Gariley.