Beelo Wada dega Gobolada Jubooyinka oo Heshiis Wada gaarey(SAWIRRO)

70

Beelo Wada dega Gobolada Jubooyinka oo Heshiis Wada gaarey(SAWIRRO)
Shirweyne looga Hadlayey Nabada iyo Derisnimo wanaaga oo u soconayey Beelaha SADE iyo Kuumade ,Muddo 13 maalin ah ayaa lagu soo gabagabeeyey deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka,Shirkaasi oo ahaa Shir Beeleed ayaa la xariirey Arimaha Daaqa iyo Biyaha oo horey labada dhinac ay isku maan dhaafeen.
Ergadii Beesha SADE ee ka Qeyb gashey Shirka ka dhacay Jubooyinka oo ku soo laabtey degmada Baardheere ayaa maanta waxa y Kulan u Qabteen Odoyaasha iyo Waxgaradka Deegaanka,waxaana Xubnahaasi ka mid ahaa.
1-Nabadoon .Faarax Hire Guhaad
2-Nabadoon. Cali Saalax Xasan
3-Nabadoon. Maxamuud Xirsi Faarax Good.
4-Nabadoon.Maxamed Ibraahin Macuush (Gaagaale)
5-Nabadoon.Axmed Aden Axmed(Dhegacade)
6-Nabadoon,Macalin Xuseen Sh Cabdi Sh.Nur.
Qodobada ay soo Bandhigeen Ergada Beesha SADE ee ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah.
1-In aan Dhulka la kala sheegan Karin,islamarkaana lagu wado noolaado si nabad ah.
2-in Shareecada Islaamka la waafajiyo Waxii dhiig ah ee la kala sheeganayo Sida Dhimasho iyo Dhaawac.
3-in laysu celiyo waxii hanti ah ee la kala haysto sida,Xoolo,Beero iyo Waro biyoodyo..
4-Waxaa kale oo lagu heshiiyey In Deegaanada ay wada degaan Beelaha SADE iyo Kuumade ee Jubooyinka aanan laga sameyn Karin,Deegaano cusub iyo Waro biyoodyo.
5-Ugu dambeen in labada Beelood ay isugu imaan doonaan Shirweyne kale 90 Maalin ka dib.

DHAMAAD