Saraakiishii hore ee Ehlu Sunna ee Gobolka Gedo  oo ka horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe.

45

 

Aden Maxamed Cabdi( Aden Ariile )oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ehlu sunna Wal jameeca ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaan marnaba la aqbali karin Muddo kororsiga Baarlamaanka Jubaland ee u sameeyey Axmed Madoobe oo ah Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland.

Aden Ariile oo maanta Wareysi siiyey Radio Markabley ayaa dhinaca kale waxuu weerar afka ah uu ku Qaadey Jeneraal Farataag iyo Cabdirashiid Janan eedaha ay u jeediyeen Axmed Madoobe,waa Nasiib daro ayuu yiri in 12 sanno oo ay taageero u ahaayeen Axmed madoobe in ay maanta la soo shaqo tagaan war aan Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo.