Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

38

Kulanka Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee socon doonna muddada labada cisho ah, ayaa lagu lafa gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Arrimaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doonno kulan wadareedka Golaha Wasiirrada ayaa ah, lix qodob oo koobaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran.

Wada shaqeynta hay’adaha dowladda, falanqeynta howllaha hortabinta u leh xukuumadda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha wasiirada. Dhawrista iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo la wadaagidda dadweynaha xog mideysan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, si loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hay’adaha shaqo wadaagga ah.

“Labada maalmood ee aad ku jirtaan Kulan wadareedka, waa in aad dareenkiinna, maskaxdiina iyo muuqaalkiinnaba isugu geysaan sidii iyo habkii loo hirgelin lahaa howllaha hortabinta u leh Qaranka”.

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha xusuusiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samatabixinayo bulshada tabaaleysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa intaas ku daray; “Waxaan ku rajo-weynahay in gebo-gebada kulan wadareedkaan ay kaso bixi donaan natiijooyin waxtar u yeelan doona, waxna ka badali doona mustaqbalka dadkeenna. Waxaan idinku adkaynayaa in si degan u aqridaan Barnaamijka Xukuumadda ee uu Baarlamaanku ansixiyay, isla markaana aad ka soo dhalashaan qotominta iyo adkaynta tiirarka ku xusan ee udub-dhexaadka u ah Dowlad-dhiska Soomaaliya”.

Shir Wadareedka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud, Ergayga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, khubaro iyo lataliye yaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

—DHAMMAAD—-