Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo shirka IGAD uga qayb-galaya magaalada Nairobi

43

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya uga qayb galayo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo maanta ka qabsoomi doonta wadankaasi.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa shirkan ku matali doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku maqan dalka Turkiga.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa abaarta ka jirta dalalka xubnaha ka ah ururkaan oo ay Soomaaliya ku jirto, arrimaha amniga iyo xal u helista khilaafaadka xuduudaha.

Mahdi Guuleed ayaa la filayaa inuu khudbadiisa kusoo bandhigo heerka abaarta Soomaaliya gaarsiisan tahay iyo dadaalka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Share this: