Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay abaaraha ka jirta dalka.

39

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Dowlada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Xildhibaanada golaha wakiilada isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay dhaqaalaha oo hoos u dhac balaaran uu ku yimid taas oo ay sabab u tahay dagaalka kasocda Yukrayn taas oo khalkhal guud galisay dhaqaalaha aduunka oo dhan iyo xanuunka Covid-19 oo Wali saamayntiisa ay aduunka ka jirto.

Dhinaca amniga Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay ciidamada kala duwan ee hay’adaha amniga oo maalmahii lasoo dhaafay sameeyay howlgalo lagu naafeeyay argagisixsada isagoo sheegay inay jiraan dad suurad xumaynaya ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada taas oo ah wax aan la aqbali Karin.