Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab. Madaxweynaha oo ka hadlayey Turkiga oo uu booqasho ku joogo ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, islamarkaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah. Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale. Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay. Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladdu ay doonayso inay hirgeliso dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur midaysan iyo dhismaha hay’ado dawli ah. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ammaanay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo uu sheegay inuusan ku salaysnayn oo keliya taageero bani’aadaminnimo balse sidoo kale uu ku salaysan yahay iskaashi.

19

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ka qayb-geli doonin shirka hogaamiyeyaasha dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD, kaasi oo maanta ka furmay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne Xasan oo lagu waday inuu ka dego magaalada Nairobi ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Turkiga ee Ankara, halkaasi oo ay uga socdaan wada-hadalo uu la yeelanayo madaxda dalka Turkiga.

Xasan ayaa goor dambe ku wargeliyay Uhuru Kenyatta in uusan kasoo qeyb-gali doonin shirka IGAD, oo ay dowladda Kenya dooneysay in madaxweyne Xasan uu kasoo qeyb-galo shirkaas, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence oo soo xiganaya mas’uuliyiin Kenyaan ah.

Dowladda Kenya ayaa imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya u arkeysay fursad muhiim ah oo looga wada-xaajoon karo arrimo dhaqaale iyo ganacsi, oo ugu horeeyo sida la fahamsan yahay dib u furida qaadka.

Baaqashada shirka ee madaxweyne Xasan ayaa waxay siyaasiyiinta Kenyaanka ah ku tilmaameen halaag iyo rajo xumo ku yimid dib ufurida ganacsiga qaadka, oo ay xukuumadda Nairobi rejo badan ka qabtay tan iyo markii la doortay madaxweynaha.

“Shacabka Kenya waxay sugayeen madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaaraha midkood inuu shirka kasoo qeyb-galo, kadibna Soomaaliya lagala heshiiyo inay fasaxdo Qaadka Kenya oo ay ku tiirsanaayeen nolosha Malaayiin muwaadin Keenyaan ah, laakiinse rajadii dadku filayeen god dheer ayay kusii dhacday,” ayuu yir Sylvanus oo ah siyaasi Kenyaan ah.