Militeriga Ruushka oo la wareegay Magaalo muhiim ah oo ku taal Bariga Ukraine

18

Militeriga Ruushka ayaa si buuxda ula wareegay gacanta magaalada Severodonetsk ee bariga Ukraine ka dib dagaallo xoggan oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka socday, sida uu sheegay duqa magaaladaas.

“Ruushka waxay si buuxda u qabsadeen Severodonetsk, ciidankeenu waxay hadda baaritaan ka wadaan goobaha muhiimka ah ee magaalada,” Oleksandr Stryuk ayaa u sheegay TV-ga Ukraine.

Ruushka ayaa muddo todobaadyo ah duqeymo ku hayay inta badan magaalada, taasi oo gabi ahaan burburtay. Dad badan oo rayid ah ayaa gabaad ka dhiganayay warshada kiimikada ah ee Azot.

Magaalada Severodonetsk ayaa ah mid istiraatiiji ah, waxaana wadada kaliya ee loo mari karo dhulka uu haysto Ruushka ee Bariga Ukraine.