laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro

41

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Waliyow-cadde ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Hodan, halkaas oo ay kusoo kordheen kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya.

Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar iyo Goobaha Ganacsiga, iyaga oo kusoo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida Xashiis iuo calaq oo aad u farabadan iyo Dhalinyaro lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhaca degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo taliyaha qeybta Waliyow-cadde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya oo ay howlgalka kusoo qabteyn ay qeyb ka ahaayeen Amni darrada kajirta Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyaga oo digniin u diray dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.