Munaasabad Loogu Dabaal Dagayey 1da Luuliyo Oo Lagu Qabtay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

23

Dadka Soomaaliyeed ,waxa ay ka mid yihiin umadaha caalamka ee halganka dheer u galay raadinta sidii looga hoos bixi lahaa gumeysiga shisheeye,isla markaana  loo gaari lahaa xoriyad, midnimo iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada dunida.

Haddaba,1-da Luullyo waa maalin qaran oo loo dabbaaldego xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waana calaamad ama astaan muujineysa in dib loo soo ceshaday madaxbannaanida dhaqdhaqaaqyadii nololeed iyo horumaradii kale ee ay hakiyeen qeybihii gumeysiga ee qabsaday dalka.

Iyadoo laga duulaya ahmiyada munaasabadani uleedahay Shacabka Soomaaliyeed ayaa xuskeeda waxaa lagu qabtay degmada baardheere ee gobolka gedo kumanaan shacabka magaalada ah ayaa kasoo qeybgalay fagaaraha munaasabadu ay kadhaceysay

Khudbadu kala duwan ayaa laga soo jeediyey munaasabada kuwaa oo dhamaantood xambaarsanaa qiimaha weynayta xuska 1da luuliyo

Qureesho aadan cumar oo ku hadleysay magacaga ururka Haweenka degmada ayaa munaasabada kajeedisay hadalo isugu jiray xasuusin iyo dardaaran kuqotomay 1da luuliyo

Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Degmada Baardheere Maxamuud ibraahim salaad oo dhankisa hadlay waxaa uu sheegay in dadka soomaaliyeed maalinta ay uga dhigan tahay malin an la hilmaami karin

Docda kale Gudoomiye kuxigeenka maamulka degmada Baardheere Farax Cabdinuur Turbac oo isna munaasabasada hadal kooban kajeediyey ayaa sheegay 1da Luuliyo waxa ay tahay israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur iyo Xorrnimadii Koonfur

Cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Ayaa  soo bandhigay gaado kacayaar waxaana ay Salaan Sharaf siiyeen Calanka

Xaflada oo lagu soo bandhigay Heeso Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorax kasoo ku dheeraaday ka hadlida sida Ummadda Soomaaliyeed ay u ilaashan lahaayeen Midnimadooda