Maamulka Galmudug oo laamaha Amniga kala shiray la-dagaalanka Al-Shabaab

62

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka  Galmudug Cali Dahir ciida ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka oo ay ka so qaybgaleen gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee Galmudug iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay had iyo goor u taagantahay ka hortagga iyo baacsiga Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne ku xigeenku uu ku ammaanay ciidamada qalabka sida goob kasta oo ay ka baadi goobayaan Al-Shabaab, oo ay ugu danbeesay dagaalkii  shacabka reer Baxdo iyo ciidamada qalabka sida uga guuleysteen Al-Shabaab.