Ciidamada Kenya oo ka jawaabay weerarkii Al-Shabaab ku burburiyeen Anteenada Shirkadda igaarsiineed

19

Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera.

Sida laga soo xigtay booliska Kenya, kooxda weerarka geysatay ayaa burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taal magaalada Rhamu.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug xoogan, waxaana markii dambe ay ogaadeen inay Alshabaab bom ku qarxisay xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee Safaari.

Kooxihii weerarka geystay ayaa baxsaday wax yar ka dib markii uu falka dhacay iyadoo ciidamada ilaalada ka ah xaruntaas ay sameeyeen iska caabin.

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysay weerarkii dhacay subaxnimadii Isniinta, waxay ciidamadeeda ammaanka u dirtay inay ugaarsadaan raggii falkan ka dambeeyay, kuwaas oo u baxsaday aagga xuduudda Soomaaliya.

Taliyaha booliska waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo booliis ah si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xadka.