Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

45

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka billaabato Hoolka Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Tiro xildhibaanno ah oo ku xayirnaa Kontroolada laga soo galo Xirada Xalane ayaa goordhow basas lagu soo qaaday, waxaana ay soo gaareen Teendhada, sida uu soo warinayo Wariyaha KNN oo ku sugan Afisiyooni.

Sidoo kale, Musharixiinta u taagan Guddoonka Golaha Shacabka ayaa intooda badan ku sugan Teendhada, kuwaasi oo wada dhaqdhaqaaqyo ku aadan Doorashada.

Saacado badan ayay dib u dhacday Doorashada, taasi oo ay sabab u tahay khilaafka cida sugeysa Amniga Teendhada iyo ka qeyb galka Xildhibaannada lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaaharey ee Gobolka Gedo