Guddoomiye C/risaaq ”waxaa iska suurtagal ah inuu wakhtiga nagu dheeraado laakiin doorashada way dhaceysaa maanta”

40

Wali waxaa bilaaban doorashada guddoonka golaha shacabo oo maanta lagu wado inay ka dhacdo xarunta teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, xili lagu wado inay goordhow bilaabato, balse waxaa wali hoolka soo gaarin xildhibaandii ugu badnaa ee Golaha Shacabka ee BFS.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo ku sugan goobta ay ka socoto qaban qaabada doorashada ayaa sheegay inay maanta dhaceyso doorashada gudduunka golohaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Guddoomiyihii KMG ah ee Golaha Shacabka iyo howlwadeenadii Baarlamaanka ay joogaan hoolka doorashada, isagoo xusay in xildhibaanada ay kusoo qul qulayaan xarunta doorashada.

“Haa doorashada waa dhaceysaa sida aad u jeedo guddig waa joogaa, guddoomiyihii Kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka waa joogaa howlwadeenadii baarlamaanka waa joogaan xildhibaanada Baarlamaanka waa soo qulqulayaan sidaa u jeedo, caqabadooyin ayaa jiray subaxii hore oo suurtagalin waayay in xildhibaanada sidii la rabay ay usoo galaan gudaha xarunta Afisyooni caqabadahaas waxaan rajeynaa in laga gudbaayo hadda” Ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq Maxamed mar uu warbahinta kula hadlay hoolka doorashada ee teendhada Afisyooni.

Isagoo sii hadlayay Guddoomiyaha wuxuu sheegay in ay suurtagal tahay in wakhtiga uu ku dheeraado, isagoo xusay in haddii wakhtiga uu ku gaaro ilaa afurka (Maqribka) in xildhibaanada ay u diyaareen goob ay ku afuraan oo loogu talagalay, balse wuxuu tilmaamay inay ka go,an tahay in doorashada ay qabtaan maanta.