Barakacayaal hor leh oo soo gaarey Baardheere ayaa ku biirey xerada Barakaca Iftiin(Dhageyso)

63

Boqolaal qoys oo ku barakacay abaaraha ayaa ku biirey Xerada Barakaca iftiin ,xeradaasi oo ay horey u deganaayeen kumanaan Qoys,waxaa jira sidoo kale Qoysas kale oo ka soo guuraya xeryahii ay horey deganaayeen.

Barakacayaashan ayaa dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan ayaa waxaa ugu weyn, cunnada, hoyga ,Biyaha ,shaqada iyo caafimaadka, iyadoo Noloshooduna ay saameyn ku yeelatey abaarta daba dheeraatey iyo roob la,aanta.

Qoysaskan ku jira Xerada Iftiin ayaa waxay intooda badan waxay ka soo barakaceen Deegaano hoos taga Gobolka Bay,mana jiraan ilaa iyo hadda wax gargaar ah oo ay ka heleen Xerada Barakaca tan iyo intii ay isaga soo huleeleen deeganadii ay ku noolaayeen,marka laga reebo Hay,ada Qatar Charity oo maalmo ka hor gaarsiisey Cunno gargaar ah,iyadoo maanta ilaa 100 qoys oo degan xerada iftiin la gaarsiiyey Bacaha Roobka laga galo.

Hadaba wariyaheena Axmed Cumar Saalixi oo maanta Booqdey Xerada Iftiin ayaa qaar ka mid ah Barakacayaasha la yeeshay Wareysigan?

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIYADA BARAKACAYAASHA IFTIIN