Guddiga Doorashada FIET oo ku baaqay in si deg deg ah loo dhaariyo 16 Xildhibaan ee lagu doortay Ceelwaaq

17

Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo dhaariyo Xildhibaannada 16 ah ee dhowaan lagu doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Xildhibaannadan la siiyay Shahaadada Rasmiga ah, lana dhaariyo, si ay uga qeyb galaan Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo 27 bishaan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Dhammaan Xildhibaannada ku soo baxay 16 ee Doorashadooda ka dhacday Ceelwaaq ayaa maanta iyo shalay kala qaatay Shahaada Rasmiga ee Xildhibaannimo.

Waxaana jira muran ka taagan Doorashada Gobolka Gedo ee lagu qabtay Ceelwaaq iyo mida loo madlan yahay ee Garbahaarey.