RW Rooble oo ka hadlay 16 Xildhibaan ee lagu doortay Ceelwaaq

18

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland ku bogaadiyay Doorashadii ay ku qabteen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo” ayuu Rooble ku yiri bartiisa Facebook.

Sidoo kale, waxaa uu u hambalyeey Xildhibaannada Cusub ee la doortay, isaga oo yiri:

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.”