Askari katirsan Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo la dilay

50

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Maanta Askari ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland lagu dilay Magaaladaas.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dilka askariga ay ka dambeeyeen askar kale oo katirsan Ciidamada Madaxtooyada Puntland, balse weli aan la helin faah faahinta rasmiga ah ee keentay in ay dilaan.

Taliska Ciidanka Madaxtooyada Puntland ayaa weli hadlin dilka Askarigaas oo siweyn looga yaqaanay Caasimadda Puntland ee Magaalada Garoowe, kaas oo isla galabta la Aasay.

2-kii Bishii September ee sanadkii tegay ee 2021 ayay aheyd markii Ciidamada Madaxtooyada Puntland  Garoowe ku dileen gabar arday ah oo lagu magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.