Macron oo ku baaqay in la beedsado warshadaha saliida iyo dhuxusha ee Ruushka

44
PARIS, FRANCE - DECEMBER 02: Former US President Barack Obama delivers a speech during the 7th summit of "Les Napoleons" at Maison de la Radio on December 2, 2017 in Paris, France. Obama is the exceptional guest of "Les Napoleons" summit, a bi-annual symposium, created in 2015, dedicated to all the actors of innovation in communication and development around the world. (Photo by Chesnot/Getty Images)

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo Ruushka.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in la beegsado saliidda iyo warshadaha dhuxusha ee Ruushka taas oo xanuun ku noqon karta Ruushka, ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

“Faransiisku wuxuu isku dubaridi doonaa tillaabooyinkan oo kale isaga iyo saaxiibadiisa EU, “gaar ahaan Jarmalka”, maalmaha soo socda, ayuu yiri Macron. Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in Midowga Yurub uu ku soo rogi karo cunaqabatayn dheeraad ah oo ka dhan ah shakhsiyaad u dhashay Ruushka.”

Waxaa xusid mudan in Macron uusan soo hadal qaadin beegsiga gaaska Ruushka, kaasoo ka dhigan qiyaastii 40% gaaska dabiiciga ah ee Midowga Yurub.