Xoogagga Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay degaano hoostaga Dhuusamareeb

39

Xubno katirsan xoogaga hubeysan ee Ahlusunna ee fadhigoodu yahay deegaanka bohol ayaa Maanta ka bilaabay degaano katirsan Gobolka Galgaduud howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Xoogaga Ahlusunna oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Maanta waxaa ay gaareen deegaano udhexeeya bohol iyo Dhuusamareeb, sida degaannada Laasxaadow iyo bali-bire.

Dadka kunool degaannada ay tageen xoogga ahlusunna ayaa sheegay in ay arkayeen, iyaga oo gaaf wareegaya degaanadooda oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad degaanka ah balse aysan jirin cabsi dhinaca amniga ah oo ay dareemayaan.

Degaannada u dhaxeeya Bohol iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug iyo xoogagga Ahlusunna.