RW Rooble oo ka hadlay Liiska Xildhibaanada cusub ee ay soo saareen Guddiga FIET

38

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay tillaabada Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku shaaciyeen najiijada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa baaq loogu diray Maamulada aan weli dhammeystirin Doorashada in 30 cisho gudahood ku soo gaba gabeeyaan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, RoobleRa’iisul ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT faray in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.