Haweeneey Tooreey uu ku diley Ninkeeda Magaalada Hargeysa

19

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somailand ayaa waxaa ay sheegayaan in Haweeneey kamid aheyd dadka kunool halkaasi uu Ninkeeda Tooreey ku dilay.

Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Hodan Muxumed Cabdi ayaa waxaa uu dilkeeda ka dhacay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Calaamadaha ee degmada Maxamuud.

Haweenayda tooreyda lagu dilay ayaa ahayd Hooyo haysata 5 carruur ah, iyadoo haatan lahayd Uur 7-bilood lagu sheegay, iyada oo ninka dilay uu baxsaday.

Ciidamo katirsan kuwa booliska Somaliland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayo Ninkii ka dambeeyay dilka, kaas oo la sheegay in uu ku sugan yahay Xaafadaha Magaalada Hargeysa.