DF Soomaaliya oo ka hadashay Howlgalka cusub ee ATMIS

42

WarSaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyney Qaraarka Golaha Ammaanka ee meelmariyay waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee badalaya howlgalkii hore ee AMISOM.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Golaha Ammaanka ku bogaadinaysaa taaageeradooda xilligi ay socdeen wada hadalada guddiyada farsamo oo ay uga arrinsanayay sidii howlgalka ATMIS uu u noqon lahaa mid si sax ah u shaqeeya kuna wareega Qorshaha kala Guur Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagebeeyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay.

“Howlgalka cusub ee ATMIS wuxuu abuureyaa in la helo ciidan guur guura oo ka jawaabaya khataraha amni daro oo Alshabab geystaan isla markaana ciidanka xoogga dalka ka caawiya howlgalada” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Howlka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa soo billaawday tan iyo 2007, iyada oo ay u buuxsantay 15 sanno, waxaana xilliga Rasmiga ah ee howlgaasi lagu soo gaba gabeybanayo uu ku ekaa 31-dii bishii March.