Xildhibaanadii Kusoo Baxay Liiskii La Shaaciyay Oo War-Galin Muhiim Ah Loo Diray

18

Xildhibaanada Xalay lasoo saaray Liiskooda ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa lagu war-galiyay in Barri Subax ay bilaabanayso bixinta shahaadada Xildhibaannimo, waxaana farriintaasi si gaar ay ugu socotaa Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ee Muqdisho ku sugan.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 8:00AM (Aroornimo), ay Xildhibaanadu yimaadaan si ay u qaataan shahaadada.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo). Sidoo kale kuwa maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay”ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.