Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay Xubin kasoo goostay Al-Shabaab

57

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga daka ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Cali Cabdullahi Cali Oo Magaciisa Afgarashada uu yahay Khaalid oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Cali uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhadda oo ah kuwa weerara fuliya, isagoo kasoo shaqeeyey Gobolada Baay Iyo Shabeellaha Dhexe.

Cali oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegey in sababta ku kaliftey in Ciidanka Dowladda isku soo dhiibo ay tahay Dhibaatada Al-Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Koonfur Galbeed kusoo batay ragga katirsanaa Ururka Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.