Fashil kuyimid waqtigii Jubbaland u qabatay doorashada kuraasta Garbahaareey

59

Maanta ayuu ku egyahay waqtigii Guddiga doirashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ay shaaciyeen in lagu dhameynayo dooorashada 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

15-kii Bishaan ayay Guddiga ku dhawaaqeen in muddo laba todobaad gudahood ah lagu qabanayo doirasgada, balse weli ay caqabad ka taagan tahay halka lagu qabanayo doorashada iyo cidda maamuleysa.

Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in degmada Garbahaareey aan doorasho lagu qaban karin taas bedelkeedana lagu qabto degmada Ceelwaaq ama Kismaayo halka Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee taabcsan Villa Somalia uu ku andacoonayo in la fuliyo heshiiskii doorashada, isla markaana lagu qabto degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayay soo jiitaneysay arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan Villa Somalia iyo Maamulka Jubbaland kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu Ciidamo kula wareegay degmoiyinka Gobolka Gedo marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ee katirsan AMISOM.

16-ka Kursi ee taalla degmada Garbahaareey welina lagu muransan yahay ayaa waxaa ku fadhiya qaarkood Xildhibaano saameyn ku leh degaannada Jubbaland, kuwaas oo qaarkood villa Somalia siweyn uga soo horheeda qaarna ay taageersan yihiin, waxaana hadda ku fadhiya 16 Kursi Xildhibaannada kala ah.

1: HOP#065:  Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Jibriil Cabdirishiid Xaaji.

2: HOP#078: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Sacdiya Muuse Cabdullaahi.

3: HOP#087: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan  Maxamed Cali Xuseen.

4: HOP#090: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Aadam Macallim.

5: HOP#091: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Aadam Isaaq Cali.

6: HOP#100: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Cabdi Casiia Cabdullaahi Yuusuf (Dh.qol).

7: HOP#102: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

8: HOP#110: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi.

9: HOP#116: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdulqadir Aadan Nuur.

10: HOP#117: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan  Haashim Nuur Aadan.

11: HOP#119: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan  Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

12: HOP#122: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan  Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).

13: HOP#123: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Cali Magan.

14: HOP#125: Kursigaan waxaa ku fadhisa xildhibaan Daleys Xasan Aadan.

15: HOP#131: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.

16: HOP#216: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdi Cali Xasan.