Taliska Booliska DG Galmudug oo soo saaray awaamiir amni

55

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Galmudug G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa soo saaray amaro culus oo lagu mamnuucayo Gawaarida leh miyaaradaha beensalka iyo kuwa taargo la,aanta ah.

Qoraal uu soo saaray Taliyaha ayuu ku sheegay in tani ay daba socoto kadib markii ay arkeen Laamaha Ammaanka Galmudug qatar amni oo ay leeyihiin baabuurta taargo la,aanta ah iyo kuwa beensalka saaran yahay, kuwaas oo uu xusay in ay ku dhuumaaleystaan Dadka ka shaqeeya amni darada sida Daroogada, Dilalka qorsheysan, Argagixisada I.W.M.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa soo saaray saddex qodob oo loogu mamnuucayo deegaannada Galmudug gawaaridaas kuwaas oo kala ah:

1- In aan Galmudug lagu dhex wada karin Gaari beensal leh.

2- In aan Galmudug lagu dhex wada karin Gaari aan wadan Buugga iyo taargada Galmudug.

3- In aan Galmudug lagu dhex qaadan karin qori aan ahayn kan Ciidanka Ammaanka ama mid sharciyeysan oo DG Galmudug u diiwaan gashan.