Maxay Ka Wada Hadleen Shariif Sheikh Axmed Iyo Danjiraha Talyaaniga?

53

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ahna Musharax Madaxweyne ayaa Danjiraha Dowladda Talyaaniga, kala hadlay maraxladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka.

Kulanka manta dhexmaray Danjiraha Dowladda Talyaaniga Alberto Vecchi, ayaa waxaa si gar ah loogu faaqiday Xaaladda Amniga dalka, Dedajinta doorashooyinka, Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa uga mahad celiyay kaalinta dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Xalay ayay ahyd markii uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in Dalku uu ku jiro xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, isagoo sheegay sidoo kale sheegay amni darro baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga.

Waxaa intaa uu ku daray in lagama maarmaan ay tahay in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay  Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.