DFS oo shir ugu qeyb gashay maalintii 2-aad Abu Dubai

26

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, wuxuu maalintii labaad ugu qeyb galayaa shir ka socda Magaalada Dubai ee dalkaas.

Shirkaan oo ah mid caalami ah kaas oo ay ka soo qeyb galรจen Wasiirada Gaadiidka & Duulista Hawada kuwaas oo ka socday dalal dhowr ah iyo Masuuliyiin kale.

Shirka waxaa maanta lagu soo bandhigay Qorshaha is waafajinta Amniga Internetka iyo Duulimaadyadda Rayidka ah kaas oo wax badan ka badalaya badqabka duulimaadyada Rayidka ah, sida qoraal uu soo saaray uu ku shaaciyay Wasiir Duraan Faarax.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in shirkaย  si dardar leh uu ugu socda doodo looga arrinsanayo kor u qaadista hal abuurnimada dawladahaย  si buu yiri ay ula jaan qaadan isbadalada Caalamigaa.