Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo lagu wareejiyay xogta xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliland iyo Galmudug

43

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Goballada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa maanta Guddiga hirgalinta dooorashooyinka Heer Fedearal ku wareejiyey xogta iyo galalka 57-Xildhibaan ee labada Aqal ee Soomaaliland oo lagu dortay magaalada Muqdisho.

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed ayaa si dhameystiran u wareejiyay dhammaan xogta iyo dukumeentiyada xildhibaanada lagu soo doortay Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka Jubbaland ay wareejisay xildhibaanada lagu soo doortay deeggaan doorashada koowaad oo kaliya, waxaana ku harsan  xogta Xildhibaanada deeggaan doorashada labaad oo aan wali la dooran.

Guddiga Doorashada Goballada Waqooyi Soomaaliland ayaa noqday guddigii ugu horreeyay ee soo idleeya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo oo soo idleeyay doorashada 21 Febraayo 2022, Halka maamullada doorashada Banaadiriga, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ay soo dhameeyeen dhammaan xildhibaanada labada aqal wallow Jubbaland ay soo idleysay doorashada deeggaan doorashada koowaad, Hirshabeelle ayaa sido kale wali dhameytirin dooashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ayaa 16 March 2022 sheegay in 24 march 2022  ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Mohamed Dahir Guled ayaa ku wareejiyey document-yada 45 Xildhibaan ee laga soo doortay Galmudug oo kala ah 37-da kursi ee golaha shacabka iyo 8-da kursi ee aqalka sare oo dhamaystiran Guddiga Doorashada heer Federaal (FEIT) oo uu wakiil ka yahay Mr Mohamed Aadan Cismaan, sidoo kale waxaa wareejinta goobjoog ka ahaa Cabdicasiis Cabdirahman Yuusuf oo xubnaha Galmudug FEIT wakiilka uga ahaa, Gudoomiye ku xigeenka SEIT Galmudug Saacid Aadan Jaamac, xoghayaha Maaliyadda SEIT Galmudug Yahye Cismaan Geedi iyo Ayaan Cabdirahman Maxamuud oo wakiil ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka (EDRC)