:- Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray Ciidamo

52

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidanka Booliska kuwaas oo tababar kuqaatay magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasadda tababarka loogu soo xiray ciidanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano katirasan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug, taliyaha qeybta Booliska guud ee Galmudug, gudoomiyaha ahna duqa caasimadda Dhuusamarreeb, iyo saraakiil katirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada police-ka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kula dardaarmay Ciidamada dhameystay tababarka inay gutaan waajibaadkooda Shaqo ee loo tababaray oo ah sugida Amniga degaannada Galmudug.

Ciidamada dhameystay tababarka ayaa qalabeyn kadib waxaa la filayaa in la geeyo degmooyin katirsan dowlad Goboleedka Galmudug si loogu wareejiyo Saldhigyada ay ku howlgeli doonaan.