Shiikh Shariif oo ka digay laba arrimood haddii aan Doorashada deg deg loo dhammeyn

50

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo gaba gabeeyo Doorashada Golaha Shacabka, lana doorto, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Qoraal uu boggiisa Facebook ku daabacay ayuu ku sheegay in haddii aan la soo gaba gabeyn Doorashada ay saameyn ku yeelan karto taageerada ay Xubnaha Beesha Caalamka siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Qoraalka Shariif Shiikh Axmed

Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday, sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida: IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso:

1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka.

2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.