Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay burcad hubeysan oo dhac geysanayay

60

Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybo ka mid ah degmada degmada Dayniile waxaa xalay howlgal lagu soo qabtay koox burcad ah ka sameeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay koox burcad hubeysan ah oo watay Mooto Bajaaj, xili ay dhaca taleefoonada  ka wadeen xaafada xaafada Raadeelka oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Kooxda Burcadka ah qaarkood ayaa watay dharka ciidanka dowladda si gaar ah kan Militariga, waxaana ay tiradooda gaareysaa Saddex rag ah.

Sidoo kale, kooxda hubeysan soo qabashadooda kahor waxaa la sheegay in uu dhacay iska hor imaad kooban, balse markii dambe ciidanka Booliska ay usuurta gashay in gacanta ay kusoo dhigaan Kooxda, waloow mid ka mid ahaa uu baxsaday.

Taliska Booliska ayaa sheegay in kooxda hubeysan lala soo qabtay hubkii ay wateen, Mooto Bajaaj iyo taleefoono ay kasoo kale dhaceen Xaafadaha Raadeelka iyo Odweyne kuwaas oo ka tirsan degmada Dayniile.