Cabdullaahi sanbaloolshe oo lagu doortay Beledweyne

51

Doorashada Kursiga HOP#058 waxaa ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe), kadib doorasho ka dhacday maanta Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku tartamayay doorashada kursigaas oo uu ka mid ahaa Musharaxa guuleystay,

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Hir-shabeelle ayaa shaaciyay musharixa guuleystay iyo musharixiinta kale sida ay cododka u kale haleen.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku guuleystay tartanka kursiga HOP#058, ayaa helay  54 cod, halka Musharax Cabdulqaadir Xuseen Coloow  uu helay  8 cod.

Sidoo kale, Musharax ahna madaxweyne hore maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen wuxuu helay 28, iyadoo musharax Cabdullaahi Axmed Xuseen uu helay 5 cod.

Maxamedd Afdhuub Makaraan oo isna ka mid ahaa musharixiintii ku tartameysay kuesiga HOP#058, ayaa helay 2cod, halka Yoonis Mohamed Nor uu helay  3 cod.