Shir looga hadlayay Amniga caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay

32

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka.

Shirkaasi ayaa looga hadlayey adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Ciidanka faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay  la labo jibbaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.