Cali Guudlaawe oo booqday Goobihii ku burburay qaraxyadii Beledweyne baaqna jeediyay

50

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray qaraxyadii dhawaan ka dhacay.

Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee yaallay Isbitaalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay Al-Shabaab la bartilmaameed sadeen Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Isbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maantana aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.