Puntland iyo Jubbaland oo wareejiyay xogta Xildhibaanadii labada aqal ee la doortay

25

Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Puntland & Jubba;and, waxaa ay maanta wareejiyeen wareejiyeen xogta iyo Warqadaha Foomamka doorashooyinkii ka kala dhacay Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Kismaayo.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku guuleysatay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ay ku qabato labadeeda deegaan doorasho ee Garoowe iyo Boosaaso, balse DG Jubbland isna waxaa uu qabtay doorashada kuraas hal deegaan doorasho ah oo Magaalada Kismaayo, inkastoo ay ku harsan tahay Magaalada Garbahaarey kuraas 16 ah, waxaana ka taagan khilaaf u dhaxeeya Maamulka Gobolka geddo iyo Xafiiska Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe.

Guddiga doorashooyinka Heer federaalka ee FEIT Xubno ka socda oo ku sugan Magaalada Garoowe, waxaa ay la wareegeen xogta iyo Warqadaha Foomamka doorashooyinkii mudanayaashii lavada aqal ee la doortay, iyagoo Puntland uga mahad celiyay doorashooyinkii ay qabteen iyo sida ay ugu soo gudbiyeen iyo Warqadaha Foomamka.

Sidoo kale, isla Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Jubbaland ayaa iyana maanta ku wareejisay  xubno kasocday Guddiga ee FEIT xogta iyo Warqadaha la xiriira doorashooyinkii  labada aqal ee xildhibaanada baarlamaanka 11-aad, waxaana ay tiradoodu tahay 26 Xildhibaan inkastoo markii hore ay ahaayeen 27, balse waxaa geeryooday mudane ka mid ahaa taas oo hadda tirade ka dhigeyga 26 Mudane.

Xildhibaanka geeryooday ayaa lagu magacaabi jiray Allah ha unaxariistee Maxamuud Maxamed Kuulow kaas oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee aan weli la dhaarin, isagoo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale, Marxuum Maxamuud Kuulow ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Shacabka ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo, wuxuuna ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop#079.