Madaxweynayaasha Galmudug & KGS oo la kulmay Xildhibaannada laga soo doortay degaannadooda

56

Maxadaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan guud laqaatay xildhibaanada cusub ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhawaan lagu doortay Galmudug.

Kulankan, ayaa daba socday kulamo dhowr ah oo maalmihii u danbeeyay madaxweynuhu la yeelanayay xildhibaanada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha la xiriira l doorashooyinka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu sagootinayey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku Metelaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Afarta sano soo socota.

laftagareen oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay marka hore inay sharaf u tahay in si wanaagsan uu Xildhibaannada u guddoonsiiyay shahaadada Xildhibaannimo uuna rajeeynayo inay is bedel sameyn doonaan.

Wuxuu Xildhibaannada kula dardaarmay i ay noqdaan kuwo lagala tashado masiirka dalka, balse kaliya ay ku imaan karto in ay noqdaan kuwa Midooba.

Xildhibaannada labada Aqal ee la doortay ayaa inta badan waxaa ay kuyimaadeen rabitaanka Madaxweynayaasha dowlad Giboleedyada, kuwaas oo la sheegay inay codadkooda jiheeynayaan maadaama qaarkood ay yihiin musharrixiin Madaxweynaha Soomaaliya.