Guddiga doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay guddiga xulaya ergada kursiga HOP 58

2

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa shaaciyey guddiga xulaya ergada kursiga HOP#58 , Waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Bayle.

Kursigaan musharaxiinta u tartamaya waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA.

Sidoo kale Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hirshabeelle  ayaa maanta lagu waddaa In ay Shihaado siiyaan musharaxiinta 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee Beledweyne.

Kuraasta maanta musharaxiintooda shihaadada la siin doono ayaa lagu waddaa in ay noqdaan kuwa furan oo ay isdiwaangaliyaan dad si weyn looga yaqaano gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay shalay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada Afarta Kursi la qabanayo Maalinta berri ah oo taariikhduna ku beegan tahay 27 Bishaan Marso, waxaana kuraastaas ay kala yihiin.

1: HOP#058 oo uu hadda ku fadhiyo Nuur Iidow Beyle, waxaana kursigaas u sharaxan Xubno uu kamid yahay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: HOP#019 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiso Farxiyo Muumin Cali, wuxuuna kursigaan kamid yahay kuraasta ugu adage e doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Beledweyne.

3: HOP#059  oo ay ku fadhiso Samiiro Xasan Cabdulle, waxaana kursigaan u sharraxan Xubno kale, kuwaas oo doonaya inay u tartamaan.

4: HOP#039 oo ay hadda ku fadhiso Drs Maryan Axmed Haaruun, waxaana kursigaan uu kamid yahay kuraasta Isha lagu wada haayo ee taalla Magaalada beledweyne.