DG Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Cabdulqaadir

21

Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) maanta oo Axad ah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland waxey ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay marxuum Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) oo ka tirsanaa hay’adda PMPF, kaas oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Kiiska Maxkamadeynta Maxamed Cabdulqaadir Muuse ayaa ah mid soo martay heerar kala duwan, 3-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan 2022 ayey ahayd markii Maxkamadda ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Iyadoo Dilka Marxuum Bootaan Maxamed Bootaan uu ka dhacay 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2021 duleedka Magaalada garoowe, waxaana suurto gashay in Ciidamada ay gacanta kusoo Ninka dilka geystay.