Zelensky oo mar kale fariin adag u diray reer galbeedka

17

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyay dowladaha reer galbeedka in ay dalkiisa gaarsiiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.

Mr Zelensky ayaa ka cawday in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darandooriga u dhaca.

Raโ€™iisul wasaaraha Slovakia, Eduard Heger, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gantaallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.