Muuse Biixi “Waxa maanta inoo furmay xiriir cusub oo inooga baahan dedaal badan”

40

Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, waxaa maanta iskugu soo baxay boqolaal shacab ah, kuwaas oo soodhaweyay Madaxweynaha Xukuumadaas Muuse Bixii Cabdi, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Mareykanka haatanah dib ugu soo laabtay Soomaalind.

Shacabka isku soo baxay Magaalada ayaa wato calanka Somaliland, kuwaas oo iskugu jiray rag iyo dumar, iyagoo ku hadlayay erayo ka dhan ah Soomaaliya, maadama Somaliland ay tahay mid ictiraaf raadineysa muddo sodon sano ah islarkaana aaminsan ay ka go,day Soomaaliya inteeda kale.

Qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soodhaweynta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyagoo xusay in maanta ay u tahay maalin qaali ah maadama ay sodon sono ay gooni u taagnaayeen islamarkaana ay soo mareyn wax badan oo ay og yihiin.

“Maanta waa maalin qaali ah 30 sanaa gooni u taagneyn waxaa ina soo maraa ognahay Dadku waan ugu weyn nahay, Dadkii waxaan ahay la eryaynayay ee godoodu la dilayay ee dadkoodii madhay qiiraa i heysa maanta aad baan u faraxsan nahay Allahayow ha nagu celin, Allahayow ha nagu celin, Allahayow ha nagu celin”ayey tiri maamo da’ah oo qeyb ka ahayd dadkii iskugu soo baxay soodhaweynta Madaxweynaha.

Sidoo kale mid ka mid ah dadkaas wuxuu yiri “Waxaan soodhaweyneenaa Madaxweynihii Qaranka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Mujaahidka Ictiraafkii buu sidaa waxkaloo noo soo qaadayaa Soomaaliya Anagu ma dooneyno ta ayadaa u taagan nahay ta ayadaa kusoo baxeynaa ta ayadaasaa ku dhimaneenaa ku noolaaneenaa ha noolaato Soomaaliland ha noolaato”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa soo garay magaalada Hargeysa, kadib kulamo uu lasoo yeeshay masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka kuwaas oo intooda badan looga hadlayay iskaashi iyo xiriir dhinacyada ah.