Sheekh Shariif “Xaaladda Amniga Dalka Waa Ay Sii Xumaanaysaa, Dayac Weyn Aa Muuqdo”

18

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta ka hadlay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, xili maalmihii dhaafay ay dhaceen Qaraxyo iyo weeraro geystay khasaaro farabadan.

Sheekh Shariif oo muuqaal soo duubay ayaa waxaa uu ku sheegay in xaaladda amni ee dalka sii xumaaneyso, isla markaana wax laga xumaado ay tahay weerarkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo qaraxyadii Baladweyne oo mid lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuumad Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Wuxuu sheegay Shariifka inay muuqato dayac amni oo ay sameeyeen hay’addaha amniga dowladda Federaalka, xili la filayo in dhawaan Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo weerarkii khasaaraha dhaliyey ee lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde, si mas’uuliyada falkaas cid u qaadato, loona ogaado dadkii ku lugta lahaa weerarkaas dhacay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ku baaqay in la dedajiyo doorashada, si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan mas’uuliyadda qaata, isla markaana laga fogaado dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada.

“Waxaan ognahay doorashooyinkaan sida la filayay oo ummada Soomaalida iyo adduunka u maleynayeen u dhacaan iyo sida ay u dhaceen aad ayey u kala fogtahay, doorashooyin lama dhihi karo waxa dhacay” ayuu yiri Sheekh Shariif oo dalbaday in la hagaajiyo inta ka harsan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.