MD Farmaajo oo Taleyaasha Ciidamada faray adkeynta Amniga dalka

39

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah oo ku aadan weeraradii ay toddobaadkii hore Al-shabaab ka geysteen magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa Talyeyaasha Ciidamada faray Adkeynta Amniga dalka iyo kan Caasimada, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka uu Farmaajo la yeeshay Talyeyaasha Ciidamada ayaa ku soo aadaya, xilli toddobaadkii tagey ay Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledwayne ka dhaceen weeraro isugu jira dagaal iyo qaraxyo oo ay ku dhinteen tobonaan ruux, kuwaasi oo ay kamid aheyd Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.