Amniga Garoonka Aadan Cadde oo laga shiray

60

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya, Duran Axmed Faarax ayaa shir guddoomiyay kulan la xariira Ammaanka Garoonka Aden Cabdulle ka dib weerarkii dhacay Todobaadkii hore.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawadda, Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka, Saraakiil ka socotay Hay’adaha ammaanka iyo AMISOM.

Intii ow shirka socday ayaa Wasiir Duran Farah  wuxuu Saraakiisha amniga ka dhagaystay warbixinta  la xariirta dhacdadii maalintii Arbacada aheyd ee todobaadkii hore ka dhacday Mariina Gate oo ka mida afafka hore oo kamid ah kaantarool  lagu hubiyo amaanka Garoonka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Dawladda Soomaaliya ayaa faray Hay’adaha ammaanka in la adkeeyo amniga si looga gaashaanto dhacdo la mida tii toddobaadkii hore.