Ciraaq oo Soomaaliya usoo jeedisay in ay bixiso deyntii ay ku lahayd

21

Wasaraada Arrimaha dibadda dalka Ciraaq ayaa usoo jeedisay Soomaaliya in la gaaray inay iska bixiso deeymaha ay ku leedahay, Wasaaradda ma aysan faah faahin inta ay la egtahay deynta ay Dowladda Iraq ku leedahay Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Iraq oo lasoo marsiiyay warbaahinta gudaha wadankaasi ayaa lagu sheegay in wakiilka Wasaaradda Arrimaha dibadda Iraq Qaxdaan Daha Khalaf uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muse intuu uu socday shirka Golaha Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay magaalada islambaad ee dalka Pakistan xiligaasi uu ku wargeliyay in Soomaaliya ay iska bixiso deymaha ay ku leedahay dowladda Iraq.

Mr Qaxdaan ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya sidoo kale wasiirka Maaliyadda Soomaaliya labaduba uu ku casuumay dalka Iraq si loo gaaro heshiiska bixinta deeynta Soomaaliya lagu leeyahay iyo qaabka ugu sahlan ee lagu bixin karo inkastoo uusan shaacinin waqtiga rasmiga ah ee labada mas’uul booqanayaan wadankaasi Iraq.