Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Ugaas khiliif oo maanta hakad ku jiro

40

Kadib roobab xoogan oo xalay si weyn ugu da’ay Magaalada Beledweyne, waxaa uu sababay in Maanta uu hakad ku jiro dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha imaan jiray kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaas.

Sidoo kale, roobabka xalay ka da’ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku teedsan ayaa sababay in saakay safaro ay ka baaqdaan boqolaal dad ah oo isku diyaariyay iney u kala safraan magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne, kadib markii loo sheegay in garoonka aysan diyaarad ka dagi karin garoonka Baledweyne oo ay biyo fariisteen.

Sanad walba xiliyada roobka uu da’o waxaa dhacda in shaqada garoonka diyaadaraha ee Beledweyne uu ku yimaado hakad, iyadoo garoonkaas uu ka mid yahay kan ugu duulimaadyada badan gudaha Soomaaliya, inkastoo Masuuliyiinta ugu sarreysa maamulka Hir-shabeelle aysan garoonka ku sameenin wax dactirka ah, xili dadka ku nool Gobolka Hiiraan si gaar ah Shacabka ay ku dhib qabaan.

Sidoo kale, Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku xeeran waxaa xalay si weyn uga curta roobabka guga ah oo saacado badan ka da’ay, waxaana lasoo warinaya in deegaanada miyiga gobolka Hiiraan ay xalay si weyn ugu hoortay raxmada alle, xili mudooyinkii dambe abaaro baahsan ay ka jireen deegaanada xalay roobabka sida wanaagsan uga da’een ee gobolka Hiiraan.